DEG DEG: Booliiska Colombo oo helay 87 qarxiye oo kuwa bambooyinka ah (Meesha laga helay oo naxdin leh)

0

(Colombo) 22 Abriil 2019 – Booliiska Sri Lanka ayaa helay 87 qarxiye oo yaalla saldhig kuwa basaska laga raaco ah oo ku yaalla caasimadda Colombo.

Arrintan ayaa imanaysa maalin uun kaddib markii ku dhowaad 10 weerar oo kala duwan lagu qaaday kanaa’is iyo hoteello qaali ah, kuwaasoo ay ku dhinteen 290 qof, ku dhowaad 500 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qarxiyeyaashan ayaa laga helay boosteejo bas oo ku taalla xaafadda Pettah ee caasimadda Colombo, sida uu booliisku sheegay.

Booliiska ayaa markii hore dersinno helay, balse kaddib ayay heleen 75 kale, xilli ay qashin meesha ka xaaqayeen.

Hadalsame Media