(Muqdisho) 22 Abriil 2019 – Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa sheegay in baaritaan ay ku hayso sababaha keenay in cunug yar oo saacado dhalanaa laga xado isbitaalka SOS ee Magaalada Muqdisho
Ciidanka Booliska ayaa sheegay in meel u dhaw Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho laga soo qabtay gabar ka mid ah kuwii SOS Ka qatay cunuga yar.
Afhayeen u hadlay ciidanka Booliska ayaa sheegay in gacanta ay ku hayaan gabadha xaday cunuga yar isla markaana cadaalada ay wajahi doonto sida uu yiri.
Maalmo hor Isbitaalka SOS degmada Huriwaa waxa laga qaatay cunugeeda haweenay halkaas ku dhashay.
Dhacdooyinka noocaan ah ayaa ugub ka ah magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.
Hadalsame Media