DAAWO: Dameer Soomaali naadir ah oo lagu dhaqo Talyaaniga (Digniin ka timid hay’ad u doodda dabeecadda)

0

(Torino) 22 Abriil 2019 – Waxa uu ku dhashay gudaha beerta ZOOM Axadd, 14-ka Abriil waana mid ka mid ah naas-nuugyada ugu caansan adduunka.

Waa dameer Soomaali la yiraahdo Oliver, kaliya tobaneeyo sinji oo noocan ah ayaa duurka iminka ku jira, jeer uu Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Dabeecaddu uu ka digayo baaba’a noocan oo uu ku daray noocyadaas ku jira liiska cas ee noolaha halista ugu jira dabar go’a.

Dameer Soomaaligaa ayaa si xun loo ugaarsanayey qarniyo badan iyadoo khasab looga dhigayo xayawaan dab joog ah, iyadoo sidoo kale dawo dhaqameed ahaan looga isticmaali jirey Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo sidoo kale Itoobiyaanka oo hilbihiisa cuna.

Sifada ugu weyn ee lagu garto Dameer Soomaaliga waa diilimaha lugaha kaga yaalla sida dameer farowga.

Yurub dhexdeeda waxaa noocan uga nool 250 dameer , oo ku jira Beerta Xayawaanka Cumiana, waxaana jira qayb tarmi karta oo ka kooban 2 dhedig ah, 1 lab iyo muun yar.

Beerta Zoom waa beer dalxiis oo ku taalla bannaanka magaalada Torino ee woqooyiga Talyaaniga, iyadoo la aaminsan yahay in siyaabo kala duwan looga soo watay Somalia iyo Itoobiya.

Halkan ka DAAWO…

Waxaa Diyaariyay: Yuusuf Cali Maxamed

Hadalsame Media