SAWIRRO: Vietnam oo maxkamad la fuulaysa ciidamada Maraykanka oo SUN halis ah ku buufiyey xilligii Dagaalkii Vietnam (Shirkado waawayn oo ku jira)

0

(Hanoi) 20 Abriil 2019 – Vietnam ayaa doonaysa in magdhow laga siiyo sunta Agent Orange, oo ay farsamaysay sharikadda wayn ee Monsanto ee saldhigata gobolka California.

Sharikaddan ayaa suntan siisay ciidamada Xoogga Maraykanka oo kiimikadan ku buufiyay shacabka iyo ciidamada Vietnam.

Jamciyadda Dhibanayaasha Kiimikadan ee Vietnam Association of Victims of Agent Orange (VAVA) ayaa warqad u qoray Maxkamadda Federaalka Maraykanka si dacwad looga galeeyo sharikad kasta oo ku lug yeelata farsamaynta iyo qaybinta Agent Orange oo ay ku jirto Monsanto.

Maxkamadda Degmada Bari ee New York ayaa 2004 dacwaddan ku gacan sayrtay, iyagoo ku doodaya “la’aanta caddaymo ku filan” isla markaana daliishanaya “in buufinta suntani aanay dembi ahayn kahor 1975 oo ah xilliyadii uu socdey Dagaalkii Vietnam.”

Sharikadda Monsanto oo ka macaashta tiknolojiyadda cayayaan dilaha iyo Dalagga Hide-Sidkiisa la macmalo ee GMC ayaa lagu eedeeyaa inay soo saarto dawo keenta cudurka kansarka sida DDT iyo midda laga sameeyo glyphosate-ka.

Hadalsame Media