SAWIRRO: Dakhliga Turkiga kasoo gala agabka ciidan ee uu sameeyo oo aad u kordhay (Arag hubka uu sameeyo)

0

(Ankara) 20 Abriil 2019 – Dakhliga Turkiga kasoo gala agabka uu soo saaro ee daafaca iyo cirka ayaa sameeyay koror dhan 31% taasoo ka dhigan in uu sanadkii tegey ee 2018 helay dakhli dhan $8.76 bilyan oo doollar.

Ismail Demir, oo ah Madaxa Wax soo saarka Difaaca (SSB), ayaa isagoo ka hadlaya munaasabad abaal marin lagu guddoonsiinayay oo ka dhacday Ankara ka sheegay in dhoofinta agabka Turki sameega ah ee gaashaandhiggu uu kordhay 20%.

“Sanadkii tegey, waxaan cilmi baaris iyo horumarin dhanka difaaca ah ku bixinnay $1.45 bilyan oo doollar,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa kobcay shaqaalaha ka howlgala waaxda difaaca kuwaasoo dhaafay 67,000 sanadkii hore, sida uu sheegay Demir.

Wuxuu sheegay in Turkigu uu sii kordhinayo tayada iyo tirada waxyaabaha ay soo saaraan wershadaha sameeya agabka daafaca sida taangiyada, dayuuradaha, gantaalaha, qoryaha fudud, maraakiibta meel dhexaadka ah iyo daroonnada.

Hadalsame Media