Koox la diyaar ah inay bixiso €120m oo lagu fasaqayo heshiiska Joao Felix (Waa tee?)

0

(Manchester) 20 Abriil 2019 – Wararka ka imanaya Portuguese-ka ayaa sheegaya in Juventus laga dulqaadi karo laacibka Joao Felix, maadaama ay Manchester City diyaar u tahay inay bixiso €120m oo lagu fasiqi karo qandaraaskiisa Benfica.

Laacibkan soo baxaya ayaa bishan dhaliyey 3-leeydiisii ugu horreeysey ee Europa League, waloow uu kooxdiisa dhaafin waayay Rubuc dhamaadka iyo Eintracht Frankfurt.

Juve ayaa horay loola xiriirinayay muluqan soo baxay, iyadoo ku dabaysey wakiilka uu la wadaago Cristiano Ronaldo ee Jorge Mendes.

Yeelkeede, TV-ga Portuguese-ka ah ee TVI ayaa ku doodaya in Manchester City ay diyaar u tahay inay bixiso €120m oo qandaraaskiisa lagu fasiqi karo.

Joao Felix ayaa kooxdiisa la joogaya ilaa Juun 2023.

Hadalsame Media