DAAWO: Waa maxay Godadka Madoow, mase dhici kartaa inay yihiin waxa QIYAAMAHA dhulka LIQI doona? Qur’aanku muxuu ka qabaa? (Akhri adiga oo aan degdegsanayn)

0

(Hadalsame) 20 Abriil 2019 – Ma ihi Saynis-yahan, kumana takhasusin Physics-ka, Space-ka iyo Astronomy-ga, laakiin waxan xiise u qabay oo muddo daba socday cilmiga Xidigiska. Cilmiga Xiddigiska oo loo yaqaan Astronomy Soomaalidii hore wax weyn baa uga baxsanaa, waxay yaqaaneen xiddig waliba godka uu dego.

Waxaaba tusaale inoogu filan in Todobaatanadkii Xiddigiyihii fahmada badnaa ee Caamir Dhagoole oo ugu dambeeyey Raggii aqoonta Xiddigiska wax ka yaqaannay mar laga qaaday Hawdka Burco oo London la geeyey si wax looga ogaado aqoonta Soomaalida ee Xiddigiska.

Laakiin Soomaalidan dambe cilmigaas horena wax kalama hadhin, kan cusub ee casriga ahna wax kama baran oo waa kuwii burburay.

Haddaba, todobaadkan waxa wararka dunida ku jirey wax loogu yeedho Black Holes ama Godadka madow. In badanba waa la ogaa jiritaanka godadka madow oo illaa xiligii Schwarzschild iyo Einstein maalinba wuxuun baa laga ogaanayey. Laakiin waxa aan mar qudha la arag sawirkooda taas oo shaki gelin jirtay jiritaankooda.

10-kii bishan April 2019 ayaa gabadha 29 jirka ah ee ku takhasustay culuumta Technology-ga iyo Computers ee lagu magacaabi Dr Katie Bouman ku guuleysatay sawirkii ugu horeeyey ee laga soo qaado Godka Madow ee ugu weyn Godadka Madow (Supermassive black hole (SMBH).

Afarta dacal ee dunida ayay dhigtay Telescopes fogaan-arag dheer leh, waxaanay sawirtay wax aan weligeed la’ is lahayn waa suurta-gal, waa aragtida Godka Madow. Sawirkaas waxa lagu tilmaamay “The Greatest Achievement of Humankind” Guushii ugu weynayd ee aadame hanto!

WAA MAXAY BLACK HOLES?

Godkan madoobi waa nooc caalam oo kale ah oo aad iyo aad u weyn, Qoraxda ayuu ka sii weyn yahay 17 Bilyan oo jeer, Qoraxduna Dhulka aynu ku nool nahay waxa ay ka weyn tahay 109 jeer. Waxa loo socon karaa 336 malyuun iftiin-sanadeed. Bedkiisa waxa lagu qiyaasaa 237 bilyan KM.

Waa god wax waliba ku dhacayaan, wixii ku dhacaana aanay ka soo noqosho lahayn oo leh cuf is jiidad aan la’ loodin karin oo xitaa iftiinku aanu ka badbaadi karin oo liqaya. Xidigaha ku dhow oo dhan buu liqayaa, kuwa daciifa ayaa ku daadanaya, meerayaasha ku dhowna wuu jiidanayaa.

Black Hole ka waxa la’ saaray fasir badan, filimo badan baa laga sameeyey, xitaa waxa la is weydiiyey gadaashiisa ama guntiisa maxaa ka dambeeya, waxan uu liqayo xagguu geynayaa! Yaa inooga soo warama.

Xagga Sayniska waxa la aaminsan yahay in ay suurtagal tahay in Godkan Madow ay ka dambayn karto Caalam kale oo aan weli aadamuhu daah-furin. Sidoo kalena ay hadda uun kow tahay xog-raadintiisu, loona baahan yahay cilmi-baadhis intan ka’badan oo aad u qoto-dheer.

ARAGTIDA DIINTA ISLAAMKA

Dhinacyo badan baa laga eegi karaa Godkan Madow ee sawirkiisii la’ soo helay.

Waxa suurtagal ah in uu yahay dhammaadka dunida, sababta oo ah haddii uu liqo Qoraxda oo keli ah taasi waxay noqon doontaa dhamaadkii nolosha. Sidoo kale qiyaamaha waxa la inoo sheegay in dhulka, cirka, cadceedda iyo dayaxaba la duubi doono.

Hadda kahor Maanka aadamuhu ma qiyaasi kari jirin sida Cirka iyo Dhulka loo duubayo, Waxaaba suurtagal ah in dadka qaar u fasiri jireen in sida carpet-ka loo duubayo oo meel lagu tiirinayo qorraxda, laakiin hadda waxa la’ ogaaday in Black Hole awood u leeyahay in uu liqo meeraha ugu weyn Meerayaasha ee Jupiter, weliba wax kasta oo uu liqayo wuu duuduubayaa sidii caag la’ dhalaaliyey.

Sababtaas bay u xoog-badan tahay in Black Hole ku uu yahay Awood kamid ah awoodaha Rabbi ee inaga qarsoonaa ee hadda la’ ogaaday. iyada oo inbadan quraanku inagu booriyey in aynu cirka eegno oo daawano Felegga iyo isbeddelkiisa mucjisada ah.

Aragtida Labaad; Godkan Madow dadka qaar waxay u fahmeen Naartii Jahanama ee Naaraha ugu weynayd ee inta ay wax walba liqdo odhanaysay; Hal min Maziid-dheeraad ma la’ hayaa. Weliba Godadka waaweyn ee Madoobi waa illaa 7 sida Cadaabuhuba u yihiin 7, waxase ugu weyn kan aynu hadda sawirkiisa helnay ee loo yaqaan Supermassive black hole (SMBH).

Aragti Saddexaad baa jirta oo aad u xoog badan; aragtidaasi waxay leedahay tilmaantan Black Holes ee Godka Madow wuxu ku jiraaba Quraanka oo waxa daliil u ah Suuratul Daariq.

Rabbi Subxanahu watacaalaa waa ka inoogu sheegay Suuratul Daariq in uu jiro Meere ama Xiddig habeen socod ah (mugdi ku dhex socda oo habeen booqde ah- Night Visitor), isla markaana ah xiddig god ah oo daloola (piercing Star).

Waa Halkaa halka aynu uga tusaale qaadanayno Godka Madow (Black Hole ). Sababta aynu Xiddigan Godan ee Daloola ugu malaynay in uu yahay Black Holes maxay tahay! Sababtu waxa weeye Rabbi Subxanahu Watacaalaa baa ku dhaartay, wuxu la simay Samada inteeda kale (Wasamaa’i Wadhaariqi) Waxan ku dhaartay Samada iyo Daariq.

Daariq maxaa ku ogeysiiyey buu Rabbi leeyahay; waa AnNajmu-Thaaqib (Xiddigii Daloolay ama daloolinayey) Markaa halkaa waxa laga fahmi karaa xajmigiisa iyo weynida Daariq ama Najmu-Thaaqib in uu yahay mid aad iyo aad u weyn. Waa run oo Godkan wareegayaa wuu weyn yahay, sidii aynu kor ku soo sheegnay Black Holes-ku way ka weyn yihiin dhulka, cadceedda, dayaxa iyo meerayaasha kale ee ku dhex-jira Solarka iyo Milky-Way ga ama Caalamkeenan.

Wixii aan khalday waan ka’ cudur-daaranaya, wixii aan saxayna waa wax Alle i waafajiyey.

Halkan ka DAAWO…

Wallahu Aclam
‎والله أعلمُ بالـصـواب

Waxaa Diyaariyay: Cismaan A Dubbe

On the left, an optical image from the Digitized Sky Survey shows Cygnus X-1, outlined in a red box. Cygnus X-1 is located near large active regions of star formation in the Milky Way, as seen in this image that spans some 700 light years across. An artist’s illustration on the right depicts what astronomers think is happening within the Cygnus X-1 system. Cygnus X-1 is a so-called stellar-mass black hole, a class of black holes that comes from the collapse of a massive star. New studies with data from Chandra and several other telescopes have determined the black hole’s spin, mass, and distance with unprecedented accuracy.

Hadalsame Media