DAAWO: Malliishiyo HUBAYSAN oo kasoo baxday Maraykanka & digniin loo diray + Sawirro

0

(Sunland, NM) 20 Abriil 2019 – Dowladda Maraykanka ayaa u digtey kooxo iskood isu xilqaamay oo sharciga gacmohooda ku fulinaya.

Kooxdan oo ah malliishiyo hubaysan ayaa xadka Mexico iyo Maraykanka kasoo qabtay dad gaaraya ilaa 300 oo qofood oo doonayay inay u gudbaan Maraykanka, wax ay ugu yeereen ”taxaabkii muwaadiniinta.”

“Ashkhaastani waa inaysan isku dayin inay fuliyaan awood loo reebay hay’aadka sharci xoojinta,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka New Mexico, Hector Balderas oo la hadlayay malliishiyada la baxday United Constitutional Patriots.

Malliishiyadan iskeed isu abaabushey ayaa la fahamsan yahay inay ka kooban yihiin askar hore oo booliiska ah iyo ruug caddaayo dhanka millateriga ka tirsanaan jirey.

Kooxdan ayaa dad badan oo soo galooti ah oo sharci darro ku socdey ka qabtay xadka u dhow magaalada Sunland, oo ka tirsan New Mexico horraantii todobaadkan.

Iskaashatada Xuquuqda Madaniga ah ee Maraykanka ayaa warqad ay u qortay dowlad goboleedka New Mexico waxay ku sheegeen in tillaabadani “ay wiiqayso dadaallada sharciga ah ee hay’aadka sharci xoojinta ee New Mexico iyo ciidamada Federaalka ee xadka ilaalinaya.”


Hadalsame Media