Maxaa ku dhacay shir Muqdisho ku dhex mari lahaa madaxda DF & maamullada dalka?

0

(Muqdisho) 19 Abriil 2019 – Dib u dhac ayaa ku yimid shir madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Hoggaamiyaasha maamul goboleedyada.

Shirkan ayaa lagu waday in maanta oo Jimcaha uu ka furmo magaalada Muqdisho si Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ay uga hadlaan arrimo la xiriira ammaanka dalka iyo wada shaqaynta labada dhinac.

Inta badan madax maamulada ayaa hada ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas la sheegayo in ay kula kulmayaan madax ka socota dalalka deeqaha bixiya.

Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa la sheegay in ay ka biyo diideen ka qayb galka shirkan oo amniga diirada lagu saari lahaa, waxana xubana Kenya ku sugan ka mid ah, Madaxwaynaha Jubbaland , Galmudug , Hirshabeelle, Puntland.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda Federaalka ee ku aadan go’aanka maamul goboleedyadu ay ka qaateen shirka amniga.

Hadalsame Media