”Mar kasta oo aan iftiiminno cadaalad darrada & munaafaqnimada reer Galbeedka waxaa bata weerarada ay qaadayso warbaahintoodu!” – Erdogan

0

(Ankara) 19 Abriil 2019 – Madaxwaynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo Wasiirka Maaliyadda iyo Kaydka Berat Albayrak ayaa sheegay in 4.5 sano ee soo aaddan ay dabaqayaan istaraatijiyad iyo isbedello lagu xaqiijinayo horumar iyo koritaan dhaqaale oo waari kara.

Isagoo ka hadlaya shirka shaqaalaha caalamiga ah oo lagu qabtay Ankara, wuxuu MW Erdoğan sidoo kale soo hadal qaaday weerar ay saxaafadda Galbeedka, oo uu ku tilmaamay mid dhan u buusan, ay ku hayso dhaqaalaha iyo siyaasadda dalkiisa.

Isagoo tixraacaya maqaal lagu qoray Financial Times, wuxuu Erdoğan yiri: “Waxaannu ku baraarugsan nahay xaqiiqada ka hooseeya ololahan Turki diidnimada ah kaasoo ka dhashay mowqifka aannu ka qaadanay arrimaha Syria, Palestine, Yemen iyo Masar, sidoo kale Islaam nacaybka sii kordhaya. Mar kasta oo aannu codkeenna sare u qaadno oo ka hadalno cadaalad darrada caalamka, waxaa kordha weerarrada nalaku hayo.”

“Xogaha nalaka qorayo way laba-laabmaan markasta oo aan iftiiminno munaafaqnimada la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha qaxootiga,” ayuu daba dhigay MW Erdoğan, isagoo sheegay inaan reer Galbeedku soo hadal qaadin waxa ay u qabteen qaxootiga Suuriya iyo la dagaallanka argagixisada.

Todobaadkii tegey, dowladda Turkiga ayaa ka carootey qaabka ay wax uga qoreen warqaadyada Galbeedka sida Financial Times, Reuters iyo Bloomberg mar ay ka hadlayeen kulan Wasiir Albayrak uu Washington kula yeeshay Baanka Adduunka, IMF iyo maalgashadayaal caalami ah.

Hadalsame Media