DAAWO: Qaabka uu Ronaldo garoonka uga baxay kaddib guuldarradii AJAX oo walaacinaysa Juventus

0

(Torino) 19 Abriil 2019 – Juventus, oo berri Fiorentina kula ballansan Allianz Stadium, iyadoo dhibic qura uga baahan si ay markii 8-aad oo xiriir ah u hanato horyaalka Talyaaniga, ayaan sidaa oo ay tahay faraxsanayn.

Waayo, 3 maalmood kahor waxaa Yurub kasoo cirib tirtay kooxda Ajax, taasoo sidii dhalo u jebisey riyadii Juve oo sanadkan doonaysey inay dhegaha wayn ku dhegto koobka Champions League.

Yeelkeede, waxaa jira walaac kale oo ay soo qabteen indhaha gorgorka ah ee kaamirooyinka, waana Cristiano Ronaldo oo muujinaya tacbiir laga dhadhansan karo qaadan waa iyo shallaay.

Ronie, ayaa mar uu usii socdey qolka lebbiska waxaa ka hor imanaya Bernardeschi iyo laacibiin kale, balse wuxuu ku qaabilayaa madax jiljilid, isagoo u muuqda mid saluugsan qaabka ay kooxdu ciyaarta u wajahdey oo aan dhiirranaan badani ka muuqan.

Waxaa durba jira warbixinno is khilaafsan oo sheegaya in uu Ronaldo kooxda ka tegayo iyo inuu joogayo.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media