DAAWO: Nin Hindi ah oo FAR DHEXADA iska gooyay kaddib markii uu u codeeyay xisbi aan kiisa ahayn!

0

(Uttar Pradesh) 19 Abriil 2019 – Nin Hindi ah ayaa far dhexada iska jaray kaddib markii uu u codeeyay xisbi aan ahayn midkii uu ka tirsanaa.

Pawan Kumar ayaa ku jaha wareeray calaamadaha laba xisbi, isagoo si khaldan ugu codeeyay xisbiga RW Narendra Modi, halkii uu uga codayn lahaa xisbi ay xafiilmataan gobolka Uttar Pradesh Khamiistii, sida uu walaalkii sheegay.

Ninkan oo 25-jir ah, ayaa isagoo caraysan deeto xaafaddiisa tegey, wuxuuna middida hilbaha iskaga jaray far dhexada, si uu markale u codeeyo.

Walaalkii Kailash Chandra ayaa sheegay in Kumar uu aad ugu faraxsanaa inuu markii ugu horreeysey codaynayo, balse markii uu ogaadey inuu xisbi kale u codeeyay uu fartii laga calaameeyay iska jaray ciil dartii.

”Mar kasta oo khadda arko wuu sii caroonayay.” ayuu yiri Chandra oo idaacadaha maxalliga ah telefoon ugu warramay.

Chandra ayaa sheegay in Kumar loola cararay isbitaalka si looga daweeyo dhaawaca uu isu gaystey.

“Waxaan doonayay inaan maroodiga doorto, balse ubaxa ayaan ugu ridey,” ayuu yiri Kumar oo muuqaal soo duubay oo sheegaya inaysan jirin cid ku cadaadisey xisbi gaar ah.

Ubaxa ayaa astaan u ah Bharatiya Janata Party halka maroodiga ay adeegsadaan Bahujan Samaj Party, oo ah xisbi ka tirsan isbahaysi Modi kula dagaallamaya gobolkan woqooyiga Hindiya.

Khamiistii waxay Hindiya u ahayd maalintii 2-aad ee doorasho Maaratoon ah oo teedii 1-aad ay dhacday Abriil 11, taasoo socon doonta ilaa Maajo 19. — AFP

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media