”Wuu rumaysan waayey inaan xiriirkii JARAY!” – Gabadhii Jaamacadda lagu toorriyeeyay oo ka sheekaysay sida ay wax u dheceen!

0

(Kilifi) 18 Abriil 2019 – Naomi Chepkemboi, oo ahayd ardayad sannadkii saddexaad oo Bachelor of Science in Public Health ka diyaarinaysa Pwani University, ayaa sheegtay in ay saaxiibkeed cirka u fiirisay bishii Diseember ee sannadkii hore waayo waxa uu ahaa qayru-masuul.

Ms Chepkemboi saaxiibkeed, Henry Kipkoech oo ahaa arday wax ka barta Kenyatta University, Nairobi, ayaa xabadka iyo luqunta ka dooxay Ms Chepkemboi Axaddii hore.

Lammaanayaasha ayaa isu leh gabar 4 bilood jir ah. Ayada oo ka hadlaysay dusha sariirta isbitaal ku yaalla deegaanka Kilifi, Naomi Chepkemboi waxa ay sheegtay Mr. Kipkoech uu axaddii ugu yimid qol ay ka kiraysatay Kilifi.

“Lixdii aroornimo ayuu iridda igu soo garaacay. Daaqadda ayaan ka qooraansaday markii aan arkayna sariirtaydii ayaan isaga noqday waayo ma doonayn in aan iridda ka furo.

”Waxa uu iga tuugay in aan iridda ka furo, waxa uu ii sheegay in uu nabad u socdo iyo islaax uu dhexdeenna ka abuuro.” Ayay Naomi u sheegtay Citizen Television Isniintii.

“Kaddib fakar badan waan u oggolaaday in uu soo galo. Markii hadalkii inoo dhammaaday inta uu istaagay ayuu dhaqaaqay. Intaas kaddib aniga oo albaabkii xiranaya ayuu hal mar dalaq soo yiri albaabkiina hoos ka xiray,” ayay Naomi tiri.

Intaaa kaddib Mr. Kipkoech waxa uu boorso uu sitay kala soo baxay 3 middiyood oo uu qarsanayay waxa uu xabadka iyo luqunta ka dooxay dhibbaha.

Dhaakhatiirta isbitaalka ayaa sheegay in Naomi xaalkeedu haatan deggan yahay. Dhibbanaha ayaa ka warrantay sidii ay ku sii gunaanaday 2 sano oo xiriir jacayl ah oo ay Mr. Kipkeoch la lahayd.

“Markii aan u sheegay in aan horay uga socday, waa uu rumaysan waayay. Waan jaray xiriirkij aan la lahaa waayo waa nin qayru-masuul ah Waalidkiis ayaa labo bilood oo kaliya na caawiyay.” ayay tiri.

Ka fiirsasho dheer kaddib waxaan yaqiinsaday in ay doqonnimo tahay in aan ninkaan sii ag joogo, yeelkeede ka ma uusan warqabin ilmihiisa. Waxa uu ahaa nin xoogaaga (lacag) aan haysto iga faramaroojiya mar alle iyo marka uu arko aniga oo lacag yar haysta.” ayay ku catoowday.

Maxkamadda Kilifi ayaa Boliiska u oggolaatay in ay Henry Kipkoech xabsiga ku sii hayaan ilaa iyo 15-ka Abriil.

Eedaysanaha ayaa mari doonaa baaritaan caafimaad oo xagga dhimirka ah si loo hubiyo in uu maxkamad hortagi karo iyo in kale.

Mr. Kipkoech ayaa maxkamadda u sheegay in uu dhibbahana weeraray kaddib markii ay u diidday in uu arko gabadhiisa.

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini

Hadalsame Media