SHURUUD: Conte oo caddeeyay waxa uu ugu XILAN doono kooxda xigta ee uu qaban doono

0

(Roma) 18 Abriil 2019 – Macallinka Antonio Conte ayaa xaqiijiyey inuu tababarka kusoo noqonayo fasalka soo aaddan, balse uu kaliya qaban doono oo qura ‘koox wadata mashruuc isaga qancinaya’.

Conte ayaa kubadda bannaanka ka daawanayay tan iyo markii uu Chelsea ka tegey xagaagii hore, waxaana bilihii tegey lala xiriirinayaa kooxaha dalkiisa sida Inter, Roma iyo AC Milan, waxaa sidoo kale iminka kusoo biirtay kooxdiisii hore ee Juventus.

Conte oo horay u wadey xulka Talyaaniga ayaa sidoo kale Oktoobar lala xiriiriyay kursiga Real Madrid, balse iminka isaga ayaa hadlay.

“Weli ma ogi halka aan aadayo,” ayuu u sheegay ‘E poi c’è Cattelan’, gaar ahaan qayb la baahin doono caawa oo Khamiis ah fiidkii.

“Balse sida cad waxaan dooran doonaa koox leh mashruuc i qancinaya.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media