Qaybtii 2-aad ee Komaandooska uu Turkigu u tababarayo Somalia oo maanta tababar ka bilaabay dalkaasi + Sawirro

0

(Isparta) 18 Abriil 2019 – Waxaa soconaya dadaallo lagu soo noolaynayo hay’aadkii dowladeed ee dalka Somalia.

Waxaa hay’aadka ugu sii muhiimsan ka mid ah ciidamada qalabka sida noocyadooda kala duwan, si loo hanto amaanka gudaha iyo dibedda ee dalka.

Kaddib markii ay Muqdisho ka degeen ururka Gorgor oo ka tirsan ciidamada Komaandooska ee Danab ayaa waxaa isla dayuuraddii keentay ee Hercules C-130 sii raacay urur kale oo lagu soo tababarayo dalkaasi Turkiga.

Haddaba ciidamadaasi oo Turkiga gaarey 3 maalmood kahor ayaa sida aannu warka ku heleeyno maanta si rasmi ah tababar uga bilaabay xerada tababarka Ciidanka kumaandooska ee Magaalada Isparta ee dalkan Turkiga.

Halkan hoose ka daawo sawirrada…

Hadalsame Media