Askari ka tirsan Booliiska Holland oo tacaddi laga yaxyaxo kula kacay gabar Muslim ah! (Kororka Islaam nacaybka)

0

(Utrecht) 18 Abriil 2019 – Sarkaal ka tirsan Booliiska Holland ayaa la sheegay in laad iyo feer iskugu daray gabar Muslimad ah oo uu madaxu u daboolnaa, intii uu socdey dagaal ka dhacay magaalada Utrecht.

Sida ay wararku sheegayaan, ninkan booliiska ah ayaa gabadha weeraray kaddib markii ay ka celin maagtay gabar kale oo uu laad la dhacayay jeer ay dhulka taalley.

Shilkan ayaa aad loogu cambaareeyay baraha bulshada iyadoo muuqaal laga duubay kumannaan jeer la wadaagey.

Booliiska Dutch-ka ayaa sheegay inay baaritaan bilaabeen iyagoo isku deyaya inay helaan gabadha dhibbanaha ah si ay uga hadasho waxa dhacay.

Sida ay sheegtay jacmiyadda European Islamophobia Report 2017, waxaa sare u kacaya moowjado Islaam nacayb ah oo Yurub ka hana qaaday.

Waxaa la soo weriyey ilaa 908 dembi oo iskugu jira aflagaaddo afka ah, weerarro jireed, isku day dil iyo goobo cibaado oo la weeraray ama la xurmo darreeyay.

Dhanka weerarrada waxaa Jarmanka ka dhacay 664 weerar, Poland, 364, Netherlands, 256, Austria, 121, France, 56, Denmark, iyo 36 ka dhacay Belgium.

Hadalsame Media