Madaxwayne madaxa iska toogtey xilli musuq dartii xabsi loo dhigi lahaa!

0

(Lima) 17 Abriil 2019 – Madaxwaynihii hore ee dalka Peru jaalle Alan Garcia ayaa ku geeriyoodey isbitaalka caasimadda Lima kaddib markii uu madaxa iska toogtey jeer ay gurigiisa weerar kusoo qaadeen booliiska dalkaasi oo musuq dartii u xiri lahaa.

Garcia, 69-jir, ayaa horay u beeniyay inuu dembi galay, iyadoo uu Madaxwaynaha iminka ee Martin Vizcarra uu Twitter ku sheegay “inay cabsi gelisey” geerida faj’ada ah ee Garcia, isagoo tacsi u diray qoyskiisa.

Garcia, ayaa qalliin deg deg ah lagu marsiiyay ibsitaalka takhasugiga ah ee Casimiro Ulloa isagoo uu 3 jeer wadnuhu istaagey, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaada Zulema Tomas.

Garcia, oo ahaa nin hadal yaqaan ah ayaa dhowr toban sanaale hoggaamin jirey xisbigii mar xoogga badnaa ee Apra Party, isagoo dalka xukumayay min 1985 ilaa 1990 isagoo kaddib noqday nin u ololeeya suuqa xorta ah, isagoo mar kale xil 5 sano ah hantay 2006.

Garcia ayaa loo haystey musuq la xiriira sharikad dhisme oo Brazilian ah oo la yiraahdo Odebrecht, isagoo 2016 qirtay inuu qandaraaska siiyay kaddib markii ay laaluush bixisay.


Hadalsame Media