Juventus oo ay saamayn DHAQAALE ku yeelatay guuldarradii xalay!

0

(Torino) 17 Abriil 2019 – Saamiga kooxda Juventus ee suuqa saamiyada Borsa Italiana ayaa dhulka galay 24%, kaddib markii ay ka hareen Champions League oo ay xalay Ajax ka reebtay.

Juve ayuu saamigeedu Talaadadii ahaa €1.69 balse wuxuu saaka ku furmay €1.30, waloow uu markii dambe yara sare u kacay oo uu gaarey ilaa €1.41.

Yeelkeede, waxay ka dhigan tahay hoos u dhicii ugu waynaa ee kooxda Bianconeri ilaa muddo – gaar ahaan tan iyo markii ay 2-0 uga badiyeen Atletico Madrid bishii Febraayo.

Kooxda Old Lady ayaa sidoo kale seegtay €13m oo ay heli lahayd haddii ay soo baxdo, iyo sidoo kale €33m oo kale oo ay ku heli lahayd haddii ay koobka qaaddo oo qura, taasoo aanay ku jirin iidhehda iyo TV-yada.

Hadalsame Media