Xogaha amaan ee DF Somalia oo si ku tala gal ah u DAYACAN (5 qodob & talo)

0

(Muqdisho) 16 Abriil 2019 – Halow Halow ama isgaarsiinta gacanta lagu qaato ee ay ku wada xiriiraan Heyadaha Amniga waxaa ka muuqda habac iyo dhowrid la’aan maadaama loo gacan galiyay dhalinyaro aan si adag u fahamsaneyn ilaalinta xogaha Amniga iyo kuwa wada xiriirkooda.

1 – Midda koowaad waxaa wata dhamaan Saraakiisha ciidamada dowladda iyo shirkadaha Security private’s ka ah ee dalka jooga,waxaana dhacda inaaney gacamadooda ka taxadarin marka ay shacabka ku dhex jiraan,Maqayadaha fadhiyaan,Xafladaha Aroosyada ka qeybgalayaan amaba ay xaafadaha si caadiya u joogaan.

2 – Tusaale waxaad arkeysaa Sarkaal fadhiya mid ka mid ah Hoteelada Muqdisho oo la fadhiya axsaabtiisa waxa uu gacankii oo waaq waaq leh dhex dhigayaa miiska hareeraha laga fadhiyo halkaas baa qof walba oo goobta ka dhow iyo adeegaha baarkuba kala socdaan waxa ay ku wada xiriirayaan Heydaha Amnigu.

3 – Mararka qaar waxaad arkeysaa sarkaal gacankiisa u dhiibaya ilaaladiisa ama xaaskiisa kuna leh xoogaa baan indho gaduudsanayaaye gacanku ha kuu shidnaado oo hadii balaayo weyni dhacdo i toosi, markaas ayaa qofka loo dhiibay waxa uu kula dhex xaragoodaa xaafadda oo dhan.

 4 – Midda ugu darani waa waxaa jira saraakiil ama masuuliyiin ka shaqeyn jiray Amniga oo xiliyo kala duwan shaqada laga joojiyay mid walba waxa uu gurigiisa la aaday dhamaan agabkii uu u hayay Heyadaha Amniga oo ay Gacamadu ku jiraan mana jirto cid uga daba tagtay ama uga daba tagi karta waayoo waaba ruux xanaaqsan oo shaqadii laga joojiyay oo cadho la dilaaci raba.

 5- Mararka qaar waxaaba dhacda in aad aragto xogheyn Wasiir oo heysta 3-4 Gacan Mid Gaashaandhiga ah, mid NISA ah,mid istaafka Wasiirka u gaar ah welina raadinaya gacankii booliiska, marka aad tiraahdo ”sideed yeeleysaa Ma adigaa Booliiska ka tirsan?”

Wuxuu ku leeyahay ”kaasaaba ii muhiim ah oo aan kala socon lahaa dhaqdhaqaaqa beledka” beerka caaro ku goysay, war wuxu jeebab badanaa.

Dhanka kale, ciladaha kale oo muhiimka ah in wax laga qabto waa in todobaadkiiba mar la wada bedelno Frequency-ga lagu galo gacamada amniga looga wada hadlo. Haddii aan sidaa la yeelin lama koontarooli karo hannaankooda shaqo oo sugan oo lagu hubin karo shaqada gacamada.

Ugu dambeyn, waxaa haboon in arintaas aan saraakiisha iyo Gudoomiyayaasha ama Shakhsiyaadka Amniga ka shaqeeya aan la gudoonsiin gacamada ilaa laga siinayo marka hore tababaro khuseeya hab isticmaalka iyo dhowrista sirta amniga iyo in la baro hadal sireedyo iyo baaqyo ugaar ah Hey’daha Amniga oo aaney shacabku la fahmi Karin marka ay ku dhexjiraan.

Ama ugu dambeyn in sharciyo ciqaabeed oo lagu xukumo ciddii ku xadgudubta sharciyadaas loo sameeyo, hadii kale Waxaad maanta bi’saan berri haw shalaayina.

MAXAA GACAMO WAAQ WAAQ LEH ISDABAYAAL.!!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media