Soomaali kale oo lagu diley dalka Koonfurta Afrika (Magacyada ganacsatada la diley)

0

(King Williams) 16 Abriil 2019 – Laba maalin gudohood dalka Koonfur Afrika waxa  dilal loogu gaystay muwadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo ka mid ahaa ganacsatada hantida ku leh dalka Koonfur Afrika.

Xalay Magaalada King Willaims oo hoos tagta Eastern Cape ee Koonfur Afrika waxa  lagu  dilay Ganacsade Mukhtaar Cumar oo ka mid ah dhallinyarada u ganacsi tegey dalkaasi.

Hanti u tiilay goobtiisa  ganacsiga ayaa la sheegay in burcadii weerarkan gaystay  ay ka qaateen  goobtii ganacsi ee uu lahaa Ganacsadaha  Soomaaliyeed ee la dilay.

Habeen ka hor waxa  dalkaas Koonfur Afrika  lagu dilay Ganacsade Nuur Dheere halka mid kale lagu dhaawacay sida ay sheegeen dad halkaas ku sugan.

Dalka Koonfur Afrika waxa taagan, dhibaatooyin dhanka amaanka ah oo ay wajahayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh magaalooyinka Dalkaas.

Hadalsame Media