Go’aankii la wada sugayey ee kulankii Milan-Lazio oo soo baxay (Ganaaxyo dhacay)

0

(Roma) 16 Abriil 2019 – Waxaa soo baxay go’aankii la wada sugayay ee Xaakimka Isboortiga Talyaaniga kaddib wixii ka dhacay ciyaartii Sabtigii ee Milan-Lazio ee San Siro:

Ma jiri doono muuqaal daawasho ka dhan ah Kessie iyo Bakayoko, oo dhamaadkii ciyaarta sidii koob ay hanteen taageerayaasha Curva Sud kusoo hor bandhigay funaanadda Acerbi si ay ugu camirtaan maadaama uu horay u sheegay in Lazio ay ka adag tahay Milan.

Naadiga Rossoneri ayaa se lagu ganaaxey 10,000 oo euro kaddib markii uu taageere ka tirsani uu ku candhuufay macallinka kooxda Biancoceleste ee Simone Inzaghi.

Marka ay timaaddo dagaalkii ciyaarta ka dambeeyay waxaa ganaax gaaraya 10,000 oo euro gorodda loo geliyeyay laacibiinta Rossoneri sida Bertolacci, Kessie iyo Musacchio iyo kuwa Biancocelesti sida Luiz Felipe iyo Patric.

Waxaa isna 10,000 oo euro lagu ganaaxey Lucas Leiva oo hadal gef ah ku yiri qof naafo ah oo ka mid ah saraakiisha warfaafinta Milan oo uu isagoo kursiga jiisaska ku fadhiya uu ku yiri ”Fadhi oo aamus!”

Sidoo kale Simone Inzaghi, oo garsoore Rocchi la dooday isla markaana caayay ayaa isna loo dhiibey ganaax 10,000 oo euro ah.

Ugu dambayn, Maareeyaha Ciyaaraha Lazio ee Igle Tare oo war aan ku habboonayn ciyaarta kaddib ku hadlay ayaa iyagana ganaax loo jaray isagoo sheegay ”inuu sii ogaa waxa dhici doona”, waxaana la xannibay ilaa 30 Abriil 2019.

Hadalsame Media