Dibedbax looga soo horjeedo KUFSIGA soo noqnoqday oo ka dhacay Garoowe + Sawirro

0

(Garowe) 16 Abriil 2019 – Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxa maanta ka dhacay dibadbax dadka degaanka ay uga soo horjeedaan kufsiga ku soo noq noqday deggaanadaas.

Waddooyinka waawayn ee Magaalada Garowe ayay dadku isugu soo baxeen si ay u muujiyeen  dareenkooda ku aadan sida ay ugu xun yihiin kufsiga aan waxba laga qaban.

Dadka isugu soo baxay maaalada Garowe waxa u badnaa dumar kuwaas oo gacmaha ku sitay boorar ay ku qornayeen cadaalad doon iyo erayo kale.

Banaanbaxan ayaa si nabad galya ah dadku ay u dhigeen si wax looga qabto dhibaatada kufsiga ee ka jirta deggaanada Maamulka Puntland.

Puntland ayaa dhawr jeer waxa ay sheegtay in si dhab ah ay wax ugu qaban doonto kooxaha kufsiga ka gaysta deggaanadeeda, balse weli wax muuqda oo micne leh kama qaban arrintan.

Hadalsame Media

Facebook Comments