(Muqdisho) 16 Abriil 2019 – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Muqdisho kulan looga hadlayay barataarista ammaanka kula qaatay saraakiisha ciidanka Dowladda.
Kulankan waxa uu ka dhacay xaruunta Iskuul bulusiyo , halkaas oo ay ku sugnayeen saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Saraakiisha Booliska ay isku afgarteen dar –dar galinta amniga magaalada Muqdisho.
Madaxwaynaha dhinacyadii xalay uu kulanka la qaatay waxa ka mid ahaa, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Taliyaha Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyaasha Saldhigyada degmooyinka Muqdisho.
Dowladda Federaalka ayaa hada dadaalkeeda waxa ay ku bixinaysaa sidii loo sugi lahaa amaanka magaalada Muqdisho, waxa dhawr mar saraakiishu ay kulamo ka yeesheen sidii wax badan loogu qaban lahaa amaan darrida.
Hadalsame Media