War maanta kasoo kordhay ninkii todobaadkii tegey gabadha ku QALAY Jaamacadda Moi

0

(Eldoret) 15 Abriil 2019 – Naftali Kinuthia, oo ah ninka ku eedaysan dilkii Ivy Wangeci oo ka dhacay Jaamacadda Moi University, ayaa lagu xukumay xarig 14 maalmood ah inta laga dhamaystirayo baarista dembiga loo haysto.

Kinuthia, 28 jir, ayaa maanta lasoo taagey Maxkamadda Eldoret halkaasoo uu dacwad ooguhu ku codsaday in waqti dheeri ah la siiyo si uu baaritaankiisa u dhamaystiro.

Maxkamadda ayaa sidaa darteed go’aamisey in eedaysanahan lagu sii hayo Saldhigga Nauberi Police Station ee Eldoret isagoo dawo ka heli doona Isbitaalka Moi Teaching and Referral Hospital oo ah midkii uu gabadha ku diley, inta uu xiran yahay.

Eedaysanahan ayay dhaawacyo culus ka gaareen weerar ay ku qaadeen dad kusoo baxay xilligii uu dilayay Ivy Wangeci oo uu faas iyo middi qoorta uga jaray Talaadadii kuwaasoo ay ka mid ahaayeen wiilasha Boodha Boodhada.

Ninkan ayaa sida uu sheegayo dembi baaraha Bariga Eldoret East DCI Cali Kingi, ku dooday inuu gabadhaa u huray jacayl iyo jiscin, balse ay ku jeesjeestay.

Maxkamaddu waxay dhegeysiga dacwadda xigta u muddeeysay Abriil 30, 2019.

Dhanka kale, maydkii Ivy ayaa gaari looga qaaday Eldoret, iyadoo ay waalidkeed Mr and Mrs Kingori ay sheegeen in lagu aasayo qubuuraha Kenyatta Funeral Home oo ku yaalla ismaamulka Kiambu County.

Hadalsame Media