Shil ay dad ku dhinteen oo ka dhacay duleedka magaalada Hargaysa

0

(Hargaysa) 15 Abriil 2019 – Duleedka magaalada Haraysa ee Somaliland waxaa ka dhacay shil gaari oo sababay dhimashada saddax qof oo saarnaa gaariga saarnaa.

Shilkan ayaa yimid markii uu rogmaday gaari nooca raaxada ah oo ka tegey magaalada Hargeysa.

Laba ka mid ah dadka shilkan ku dhintay ayaa rag ahaa halka qofka kalena dumar ahaa, sida ay ku warrameen dad Hargaysa ku sugan oo nala hadlay.

Maydka saddaxda qof ayaa la dhigay Isbitaal yar oo ku  yaalla degaanka Dacar-buruq oo u dhow halka uu shilkani ka dhacay.

Meesha uu shilku ka dhacay ayaa u dhaxaysa magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera, halkaas oo marar badan sidan oo kale shilal gaari uga dhacaan.

Hadalsame Media