SAWIRRO: Kulan muhim u ah soo noolaynta Somali Airlines oo ka soconaya Istanbul (Dalal Somalia arrintaa ka caawinaya)

0

(Istanbul) 15 Abriil 2019 – Xarunta ugu wayn ee ay Turkish Airlines ku leedahay magaalada Magalada Istanbul ayaa waxaa ka soconaya kulan looga hadlayo Diyaarinta Shaqaalaha qaran-sidaha Somali Airlines.

Sida aan kasoo xiganney weriye Salmaan Jamaal, dalalka Turkiga, Pakistan iyo Malaysia ayaa DF Soomaaliya ka kaalinaya dhanka diyaarinta duuliyayaasha iyo shaqalaha diyaarada SA oo lagu wado inay mar aan dheerayn dib u howl gasho.

Waxaa Kulankan Somalia ku metelaya Kabtan Caydaruus oo ka socda Wasaaradda Duulista Hwada ee Somalia.

Waxaa sidoo kale wehlinaya Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Turkiga, Md Jaamac Caydiid iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi, Sheekh Maxamed.

Dayuuradda Somalia Airlines oo adeeg kooban ka samayn jirtey dalalka ay Somalia xiriirka la lahayd, marka la eego heerka caalami, ayaan shaqaynin muddo 30 sano ku dhow.

Hadalsame Media