SAWIRRO: Itoobiya oo Somalia ku taageertay inay xil muhim ah ka qabato Midowga Afrika (Kenya oo ku qabsatay!)

0

(Hadalsame) 15 Abriil 2019 – Wadamada leysku yiraahdo Bariga Afrika oo ka kooban 13 dal ayaa xaq u leh in ay hal kursi oo ah gudoomiye ku xigeenka labaad ku mataalaan Midowga Afrika, gaar ahaan dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha sida tamarta, biyaha iyo gaadiidka.

Kursigaas waxaa ku fadhiyay dowladda itoobiya oo mudadii ay haysay ay u dhamaatay. Waxaa la soo bandhigay cidda mataleysa inta badan wadamada Bariga Afrika iyadoo ay dalal badani isa soo sharrexeen, sida aannu kasoo xiganney Maxamed Xaaji Saalax oo  joogey shirkan oo ku qabsoomay Qaahira, Masar.

Waxaa ugu dambayn isku soo haray Somalia iyo Kenya. Waxaa go,aan lagu gaaray in soomalia iyo kenya la siiyo 30 daqiiqo oo ay ku wada hadlaan inta aan codka loo qaadin, codsigaasna waxuu ka yimid dowlada kenya.

”Kenya waxay shirka ku joogeen 3 qof waxaan aniguna codsaday in kenya ay iska soo xulaan hal qof si aanu u wada hadalno.” ayuu yiri Maxamed Xaaji. ”Waanu ku heshiin weynay. Dib ayaanu ugu noqanay in wadan walba uu olole ka sameeyo sidii isaga loo dooran lahaa.” ayuu daba dhigay.

Ugu dambayn waxaa xilkii ku guuleystay Soomaaliya oo noqotay Guddoomiya ku xigeenka labaad ee African Union dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha.

Doorashadu waxey aheyd mid qarsoodi ah, balse sedexda wadan oo kala ah Jabuuti, Itoobiya iyo Koonfurta Sudaan ayaa cadeystay in ay tageerayaan Soomaaliya, kuwaasoo la ololeeyay codkoodana siiyey Soomaaliya.

Hadalsame Media