KHARASHKA KHALIIJKA? DF Somalia oo lagu eedeeyay inay XAGAL-DAACINAYSO in la soo saaro shidaalka Somalia (Tuhun)

0

(Nairobi) 15 Abriil 2019 – Waxaa beri dhowayd shir ka dhacay magaalada London lagu soo bandhigay shir lagu soo bandhigay baloogyo la sheegay inay saliidi ceegaagto oo ku yaallo biyaha Badwaynta Hindiya, dhanka koonfurta Somalia.

Yeelkeede, muddadaa kaddib wax wacaal ah lagama maqal geeddi socod loogu tala galay in lagusoo saaro sharci la doonayay in lagu maamulo shidaalka Somalia.

Siyaasiga Soomaaliyeed ee Faarax Macallin oo ah nin aan badiyaa halkiisa la gabban ayaa iminka su’aal ka keenay arrintaasi isagoo farta ku godey meesha ay sartu ka qurunsan tahay, ugu yaraan sida ay isaga la tahay.

Wuxuu Twitter-ka kusoo qoray sidatan:

”Maxaa dib u dhigaya sharciyayntii iyo iibintii saliidda iyo gaaska aan lagu muransanayn ee Somalia?

”Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in saraakiisha Dowladda Somalia uu saamayn ku yeeshay Doollarka Khaliijka (Qadar waa ku jirtaa) oo si geeddi socodka loo quusiyo waxaa meesha laga saaray saraakiishii muhimka ahaa. Farmaajo/Kheyre MAXAA DHACAY?!!!” ayuu is waydiiyay.


Hadalsame Media

Facebook Comments