(Muqdisho) 15 Abriil 2019 – Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in Guddiyadda Amniga iyo Difaaca looga baahan yahay in si dhaqsa ah ay ula yimaadaan warbixin ka hadlaysa kulankii shalay ee Barlamaanka .
Guddoomiye Maxamed Cabdiraxmaan ayaa sheegay in warbixinta laga sugayo Guddiyadan ay muhiim u tahay wax ka qabashada xaalada amaanka ee Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan tan dalka xiligan uu ku sugan yahay.
Mudanayaal ka tirsan Golaha shacabka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in talaabo wanaagsan ay ahayn in Madaxda laamaha amniga ay hor yimaadaan xildhibaanada Barlamaanka si wax loogu waydiiyo arrimo ku saabsan shaqadooda.
Arrimo ay ka mid ahaayeen Howlgalka Ciidanka Dowladda Federaalka, waddooyinka xiran iyo is jiid jiidka Hay’ada NISA ayaa xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka ay sheegeen in kulankii shalay Saraakiisha amniga in wax laga waydiiyay.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegaya inay sii socon doonaan kulamada looga hadlayo xaalada amniga magaalada Muqdisho ilaa laga helayo qorshe cad oo dowladdu ay ku wajahdo amaanka.
Hadalsame Media