Dayuuradda Turkish Airlines oo shalay qaadday rakaabkii MILYANAAD (Sabab?)

0

Tan iyo markii si buuxda loogu soo guurey garoonka Istanbul Airport ee cusub, sharikadda Turkish Airlines (THY) ayaa qaadday rakaabkii milyanaad, shalay oo Axad ahayd.

Tan iyo Abiil 6, sharikadda TA ayaa si tartiib tartiib ah u kordhinaysey duullimaayadeeda ka baxaya Istanbul Airport oo haatan si rasmi ah u bedeley Atatürk Airport isagoo haatan gaarey awood buuxda oo ah inuu maalintii xamili karo 895 duullimaad, isagoo shalay saacaddu markii ay ahayd 2 p.m. Abriil 6, wuxuu gaarey 1 milyan oo rakaab ah.

Agaasimaha Guud ee Turkish Airlines, Bilal Ekşi ayaa sheegay in THY ay qaadday 841,915 oo rakaab, iyadoo samaysay 4,872 oo duullimaad ah tan iyo markii soo guurista la dhamaystiray.

Garoonkan oo iminka ah rugta dhexe ee dayuuradaha Turkiga, Istanbul Airport waxaa si hordhac ah loo furay Okt. 29, 2018 – iyadoo lagu soo beegay 95-guuradii dhalashadii Jamhuuriyadda Turkiga.

Hadalsame Media