Carruur 10 ku dhow oo Muqdisho ku geeriyootey! (Waalidka oo ka hadlay)

0

(Muqdisho) 15 Abriil 2019 – Degmada Kaxda ee Muqdisho oo ay ku sugan yihiin qoysas badan oo ka soo cararay abaaraha ka jira gobolka shabeellaha Hoose waxa xiligan ka jira shuban biyood caruur badan ay ku dhinteen.

In ka badan 7 Carruur ah ayaa la xaqiijinayaa in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay xerooyin ku yaalla degmada Kaxda ugu  geeriyoodeen, halka tiro badan oo ka mid ah caruurtaas la dhigay Isbitaalka Carruurta ee Banaadir.

Saraakiisha caafimaadka isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka Banaadir ayaa u sheegay Hadalsame in  waqtigan oo kuleyl uu ka jiro Muqdisho ay kordhayaan caruurta shubanka uu soo ridanayo.

”Waxaan ka soo cararnay Shabeellaha Hoose, halkaan Kaxda ayaan soo gaarnay caruurta ayaa dhibaatada ugu badani haysataa oo shuban ayaa fara ba’an ku haya”, sidaas waxa sheegay Maxamed Aweys oo laba carruur ah oo uu dhalay shuban ay ugu geeriyoodeen.

Degmada Kaxda waa halka ugu badan ee ay soo gaaraan dadka abaaraha ka soo carara ee soo gaara magaalada Muqdisho.

Hadalsame Media