Bianconeri oo berri la ballansan barbaarka soo baxay ee Joao Felix (€120m oo ay diyaar la tahay)

0

(Torino) 15 Abriil 2019 – Juventus ayaa la sheegayaa inay isha ku haysa xiddig-yaraha Benfica iyo Portugal ee Joao Felix, iyadoo qorshaysay in ay Paulo Dybala u fasaxaan dhanka Bayern Munich.

Sida ku dhigan warqaadka AS, maareeyaha ciyaaraha ee Juve jaalle Fabio Paratici ayaa berritoole ballansaday wakiilka Felix oo ah Jorge Mendes kaasoo ay heshiis hordhac ah ka gaari karaan 19-jirkan la qaban la’yahay.

Waloow ay Benfica laacibka ku qiimayso €120m oo qandaraaskiisa lagu fasiqi karo, misna wargaysku wuxuu sheegayaa in Old Lady aanay taasi cabsi gelinaynin, iyadoo ay warar ka soo baxaya Talyaanigu ay sheegayaan in wiilku uu durba ‘haa’ yiri inuu ka garab ciyaaro jookarka dalkiisa ee Cristiano Ronaldo.

Mendes iyo Paratici ayaa ku naalloonaya xiriir wanaagsan maadaama ay horay isula dejiyeen heshiisyadii ay Juve ku yimaadeen Ronaldo iyo Joao Cancelo xagaagii hore, iyadoo la sheegay inuu horay u dhex maray kulan looga hadlay isla Felix bishii Maarso.

Si ay Juve qayb ahaan u maalgeliso heshiiskan, wuxuu wargaysku sheegayaa in ay Dybala ka iibin doonaan kooxda Bayern.

Hadalsame Media