Beel caan ah oo iskugu timid shir lagu taageerayo siyaasi musuq lagu helay! (Go’aan kasoo baxay)

0

(Hadalsame) 15 Abriil 2019 – Wasiirkii oo khasnadadii furanaya oo jawaan uu lacag ku ritay dhabarka saartay ayaa kaamiro qabatay oo talefishinka laga soo saaray.

Deeto, reerkiisii ayaa isugu yimi shir ay uga jawaab celinayaan ”eedda gardarrada ah” ee wasiirkooda loo soo jeediyey.

Meesha wax la qarin karo ma yaallaan laakiin waxay isku dayeen inay cudurdaar u helaan wasiirka ama inkiraan kaamerada.

Hadalkii waa xirmay. Cabbaar ayaa la aamusnaa. Mid ayaa iska hadlay oo yiri “horta maalintu waxay ahayd Talaado weligeedna taariikhda laguma sheegin Talaado wax la xado!”

Hadalkaas waa loo riyaaqay dadkiina labo ayey u kala baxeen; qaar sidaas ku qanca oo hadalkaas meel walba ka sheega. Iyo kuwo ninka iyo hadalkiisa qariya laakiin si dadban u xujeysta hadalkiisii waxay yiraahdeen “Dadka taariikhda tuuganimada yaqaan, iskuma raacin sida wax u dhaceen!”

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media