”Si kasta oo uu u noqdo musuqi, kartilaawe ama xaasid…” – Ilhaan Cumar oo ka jawaabtey muuqaal uu faafiyey Donald Trump!

0

(Washington, DC) 14 Abriil 2019 – Metelaha gobolka Minnesota ee Ilhaan Cumar ayaa muujisay wax ay ku sheegtay “jacaylka aan leex-leexadka lahayn” ee ay Ameerika u qabto, kaddib markii uu Trump Twitter-ka soo dhigay muuqaal ciidayn ah oo Ilhaan ku xiriirinaya weerarradii 9/11.

“Anigu Koongarayska uguma tartamin in aan aamuso,” ayay Twitter kusoo qortay.”Qofna – si kasta oo uu u yahay musuqi, kartilaawe ama xaasid – halis ma gelin karo jacaylka adag ee aan u qabo Ameerika,” ayay qortay, iyadoo aan si toos ah u magac dhabin Trump, misna jawaabtani waxay ku socotaa isaga.

“Waa ku mahadsan tihiin hiilladda aad ii muujiseen – anigoo ka horjeeda maamul u hardamaya inuu Muslimiinta mamnuuco – si aannu ugu dagaallanno Ameerikada aan u qalanno.” ayay raacisay.

Trump ayaa Jimcihii muran abuuray kaddib markii uu soo tweet gareeyay muuqaallo la isku jarjaray oo ka kooban khudbo ay Ilhaan ka jeedisey munaasabad ay qabatay Jamciyad u doodda xuquuqda madaniga ah ee Muslimiinta (CAIR) iyo sawirradii weerarradii argagixiso ee 9/11, isagoo ku qoray: ”Marna ma illaawi doonno!”

 

Hadalsame Media