Nin si xun u toorriyeeyay gabar ay is ”JECLAAYEEN!”

0

(Kilifi) 14 Abriil 2019 – Gabar sanadkii 3-aad dhiganaysey Jaamacadda Pwani University oo ka tirsan ismaamulka Kilifi County ayaa waxaa dhowr mar toorreey la dhacay nin la sheegay inay xiriir la lahaan jirtey.

Nancy Chepkemboi, oo iminka xaalad garaab ah ku jirta iyadoo taalla Isbitaalka Guud ee Coast General Hospital, ayaa dhowr mar middida lagala helay xabadka.

Ninka weerarka soo qaaday oo magaciisa lagu sheegay  Henry Kipkoech ayaa isna ah arday dhigta Jaamacadda Kenyatta University.

Warqaadka Citizen Digital ayaa fahamsan in uu ninkani saaka kusoo degey albeergo yar oo Nancy la yiraahdo isagoo sita boorso ay ugu jireen ilaa 3 middiyood.

Ninka ayaa la sheegay inuu gabadha qol ku xirtey kaddibna uu toorreey ku bilaabay, iyadoo nasiib wanaag farta la heshay dawanka iskuulka markaas oo ay arday usoo gurmatey ka badbaadiyeen.

Ninka ayaa iminka la qabtay isagoo ku xiran Saldhigga Booliiska Kilifi Police Station halkaas oo su’aalo lagu waydiinayo.

Waa shilkii labaad oo noociisa ah oo ka dhaca jaamacadaha Kenya, kaddib markii uu horraantii todobaadkii hore uu wiil kale si xun u diley gabar ay xiriir lahaayeen oo uu sheegay inay ”bah-dishey”.

Hadalsame Media