DEG DEG: Hoggaamiye Xigeenkii Daacishta Somalia oo duqayn cireed lagu diley

0

(Isku Shuban) 14 Abriil 2019 – Waxaa sooo kordhaya tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan weerar cireed oo aan cidda fulisey weli la carrabaabin oo maanta oo Axad ah ka
dhacday tuulo Xiriiro la yiraahdo.

Tuuladan ayaa ilaa 3 KM u jirta Degmada Isku Shuban ee gobolka Bari, maamulka Puntland, Somalia.

Warar laga helayo dhanka dadka maxalliga ah ee degaanka, ayaa tibaaxaya in weerarkaasi cirka ihi uu dhacay xoogaa kaddib Salaaddi Duhur ee maanta.

Weerarka ayaa lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen labo ruux oo uu meydkoodu gebi ahaanba gubtey.

Sida uu iminka helayo Hadalsame, Wasiirka Amaanka Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu dilay ku xigeenkii Hoggaanka Daacish ee Somalia iyo xitaa ninkii isaga kusii xigey, waloow aynaan helin warar isaga ka madax bannaan oo arrintan weli xaqiijinaya.

Waxaa loo badinayaa inay weerarkan fuliyeen ciidamada Maraykanka ee Africom oo aalaaba kaashada Komaandooska Somalia ee Danab.

Hadalsame Media

Facebook Comments