DAAWO: Shimbirta dunida ugu KHATARSAN oo gurigiisa ku dishey nin korsanayey + Sawirro

0

(Gainesville, FLA) 14 Abriil 2019 – Shimbir wayn oo ah nooca aan duulin oo asal ahaan laga helo dalalka Australia gasiiradda New Guinea ayaa ninkii lahaa ku dishey magaalo ka tirsan gobolka Florida.

Guutada Gurmadka ee ismaamulka Alachua County ayaa sheegay in shimbirtan oo gacalo ahaan lagu sooco Goroyada, balse aad uga halisan, ay Jimcihii ninkaa ku dishey meel u dhow magaalada Gainesville, iyadoo adeegsanaysa ciddiyeheeda xoogga badan.

Dhibbanaha oo aan magaciisa la xusin, ayaa sida la sheegay shimbirtan gurigiisa ku dhaqanayay, sida ay sheegtay Waaxda Duurjoogta Gobolkaasi.

‘Waxay u muuqataa shil. Fahamkaygu wuxuu yahay in ninkani uu isagoo shimbirtan wayn u dhow uu dhulka ku dhacay, kaddibna ay carootey oo weerartay,’ ayuu yiri Taliye Xigeenka Booliiska, Jeff Taylor oo la hadlayay Gainesville Sun.

Shimbirtan oo asal ahaan ku nool kulaalaha jasaa’irka East Nusa Tenggara, the Maluku Islands, iyo woqooyi bari Australia ayaa dadka looga digaa inay u dhowaadaan meelaha ay ku nooshahay, maadaama ay tahay xayawaan xujuumi ah oo halis ah.

Hadalsame Media