DAAHA GADAASHIISA: Arrin la yaab leh oo kasoo if baxday rigoorihii Milan laga diidey ciyaartii Juve-Milan!

0

(Milano) 13 Abriil 2019 – Waxaa soo kordhaya xogo dheeraad ah oo ka imanaya daaha gadaashiisa oo ku saabsan sida loo dhex dhexaadiyay ciyaartii muran dhaliska ahayd ee Juve-Milan.

Sida ku dhigan Il Giornale rigoorihii Milan laga diidey kaddib markii uu kubadda si cad u gacmeeyay Alex Sandro wuxuu ahaa go’aan sii degsan oo dhanka garsooraha ahaa.

Sida uu qorayo warsiduhu, kaddib markii uu daawaday muuqaalka celiska ah ee VAR, Fabbri – oo horayba uga gunuunucay in loo yeerey si uu u arko khaladka – ayaa ku adkaystay inaysan rigoore ahayn.

Markii ay halkaa joogto, garsoore Calvarese oo VAR fadhiyay, oo la yaabban hab-dhaqanka saaxiibkii oo rigoore cad oo uu u jeedo diidey, wuxuuna ku yiri: “sidaad doonto u go’aami, haddii aadan doonayn in lagu caawiyo …”.

Hadalsame Media