Waxay ahayd XAAMILO ay bil sideedaad u buuxsantay, la kufsaday oo si xun loo diley, ma heli doontaa XUKUN caadil ah?

0

(Garoowe) 12 Abriil 2019 – Xaamilo ayey ahayd, horay waxay u soo dhashay labo ilmood ninka qaba wuxuu ahaa nin madi ah hooyadii iyo aabihii mar hore ayey dhinteen ma lahayn walaal waxaa dad ugu xigay xaaskiisa oo uu jeclaa, iyadana waa laga dilay oo waa laga kufsaday.

Waxay ku jirtay bishii 8-aad waxay is laheed bil ayaa ku harsan ee bishaas maxaad dhali dontaa.

Ilaahay ma ku nabad keeni donaa waxay la nooleyd walwel iyo walbahaar, waxaa u dheeraa culeys.

Waxaa u dheeraa xanuun iyo in ay ka go’day cuntada, jirkeeda waxaa ka muuqday nafaqo darro iyo daal tiro badan.

Waxay degenaayeen xaafadda Waaberi ee Magaaladda Garoowe reer ayey qol ka degenaayeen ,aabaha wuxuu ku maqnaa howlo maalmeedka si reerka u helaan biil iyo nolol.

Maalin cad oo ku beegan duhur ayaa niman guriga ugu soo galeen waxay bac u galiyeen madaxa kaddibna way kufsadeen oo waxay ugu dareen dil.

Wax ay ka galabsatay lama yaqaan Hooyadaa waa Xaamilo waa hooyo waa keligeed, miyaan qoomkaas musiibo ku dhaceynin ee dhibtaas sameeyey.

Waxaa la leeyahay roob maan helno, waxaa la leeyahay nabad maan helno,xagee laga helayaa nabad iyo nolol.!

Marba haddii lagu kufsanayo hooyooyinka xaamilada ah marna la kufsanayo ciyaalka 12 jirka ah kaddibna kuwii dilay la sii daynayo xagee nabad iyo nolol talaa?

Waa musiibo qaran, aynnu jimcaha fadligiisa alle ku waydiisanno inuu noo gargaaro oo caddaalad na siiyo, dhibka haweenka haystana alle ka dul qaado isagaa awood lehe.

#WaanIlmaynayaa
#IAmCrying

Qore: Dr Caddeed

Hadalsame Media