Wargayska New York Post oo cinwaanka sare ku qoray war uu geddiyey oo ay tiri Ilhaan Cumar!

0

(New York) 12 Abriil 2019 – Xildhibaanadda Ilhaan Cumar, ayaa Arbacadii Koongarayska ka dalbatay inay cambaareeyaan weriye ka tirsan Fox News oo ay sheegtay inuu ku eedeeyay inay yaraysatay Weerarradii 11-ka Sebtembar, kuwaasoo ay ku tilmaantay “kicin halis ah.”

Yeelkeede, warqaadka New York Post ayaa shalay uga sii daray, kaddib markii uu bogga hore soo saaray sawir wayn oo uu ku geddinayo warkeedii. Waxaana markiiba sawirkan la kacay qolada u ololaynaysa soo noqoshada Trump.

llhaan ayaa warka lagu haysto bishii hore ka sheegtay meel qaaraan loogu ururinayay Golaha American-Islamic Relations munaasabad lagu qabtay Woodland Hills, California, iyadoo khudbaynaysey ayay tiri:

“Ururka CAIR waxaa la dhisay kaddib 9/11 maxaa yeelay waxay aqoonsadeen in ”dad ay wax sameeyeen”, kaddibna in annaga oo dhami aan luminayno xuquuqeheennii madaniga ahaa.”

(CAIR waxaa la asaasay 1994-kii. Iyadoo sida uu qorayo wargayska liberaalka ah ee Washington Post, la warac geddiyey warka Ilhaan oo lagu eedeeyay inay yaraysanayso weerar ay ku dhinteen dad ku dhow 3,000 oo qofood.

Dad badan oo xiga dhan llhaan ayaa soo jeedinaya in taxaddar badan iyo in ay iska ilaaliso eray kasta oo siyaabo kala duwan loo fasiri karo looga baahan yahay maadaama ay diiraddu si gaar ah u saaran tahay.

Hadalsame Media