DAYAXII AAN LA TEGIN! Israel oo ku fashilantay arrin ay doonaysey inay ku FAANTO! + Sawirro

0

(Tel Aviv) 12 Abriil 2019 – Israel ayaa doonaysey inay ka mid noqoto dalalka sheegta inay ”dayaxa tageen”, iyadoo qoratay hal-kudheg ah “dal yar oo leh riyooyin waawayn,” balse riyadaasi ma rumoobin.

Matoorka markabkii la tuuray ee Bereshoot ee loogu tala galay inuu halkaa ku dego, ayaa la sheegay inuu ku cilladoobe meel 10 KM u jirta oogada Dayaxa, taasoo keentay inuu ku dul burburo Dayaxa, isagoo ku socda xawaare gaaraya 130 mitir/ilbiriqsigii.

Shilkan ayaa dhacay xilli dhacdadan TOOS loo tebinayey oo uu xitaa xaruntii laga tuuray uu joogey RW Benjamin Netanyahu iyo xaaskiisa Sara oo ku sugnaa Xarunta Hawada Sare ee SpaceIL.

Dalalka ilaa iminka sheegta inay ”Dayaxa tageen” waa Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha oo beri dhowayd kusoo biiray, waloow ay dad badani qabaan in aanu jirin dal abidkii tegey halkaasi, sababo badan dartood.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxday lacag gaaraysa $100mn oo doollar.


Hadalsame Media