Fannaanka Drake oo ”BACAAWNIMO” lagu xifaalaynayo!! (Maxaa dhacay?)

0

(London) 11 Abriil 2019 – Fannaanka Canadian-ka ah ee Aubrey Drake Graham balse ku magac dheer Drake ayaa lagu xifaaleeyay inuu ”bacaaw ku noqday” laacibiin sawir la galay.

Fannaanka ayaa todobaad qura sawir la galay xiddigaha Jadon Sancho, Pierre-Emerick Aubameyang, Sergio Aguero iyo Paul Pogba, balse dhamaan waa laga wada adkaaday kooxihii laacibiintaasi.

Drake ayaa safarro shaqo Yurub ku yimid, isagoo marayay dalal ay ku jiraan Jarmanka iyo Ingiriisku.

Baraha Bulshada ayaa haatan isla dhex maraya maadaysi ku saabsan in ay hadda kaddib iska ilaaliyaan inay Drake sawir la galaan, maadaama uusan ”falxad ahayn.”

Hadalsame Media