Cashar ku socda dadka dalalkooda colaadaha ka huriya ee Yurub u soo carara!

0

(London) 11 Abriil 2019 – Booliska argagaxisada iyo danbiyada waaweyn la dagaallama ee dalka Britian ayaa baaraya Shan nin oo u dhashay dalka Rwanda kuwaas oo lagu tuhmayo in ay qeyb ka ahaayeen dadkii xasuuqa ka geystay dalkaasi.

Raggaan oo midka ugu yari uu yahay 59 jir ayaa ku nool dalka Britian waxaana baarlamaanku uu doonaya in kiiskooda si ugu dhaqsiyaha badan loo galo Rwanda waxaa ka dhacay xasuuqii ugu xumaa Afrika waxaana mudo 100 cisho ah la dilay hal milyan oo qof.

Dad badan oo danbiyo ka soo gala wadamadooda gaar ahaan Afrika ayaa galbeedka ka dhigta meel ay ku dhuuntaan oo ay ku noolaadaan.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

 

Hadalsame Media