ARSENAL VS SSC NAPOLI: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(London) 11 Abriil 2019 – Waxaa caawa lugta hore ee Rubuc-dhamaadka EL ku ballansan labada kooxood ee Arsenal vs SSC Napoli oo ku dheelaya magaalada London.

Dhanka Arsenal: Emery ayaa shaki uga jiraa Xhaka, oo dhexda ku wehlin lahaa Torreira, halka Ozil uu kaydka ku bilaabanayo sida Mkhitaryan. Cech ayaa goolka gelaya, halka Ramsey uu ka gadaal dheeli doono Aubameyang-Lacazette.

Dhanka Napoli: Meret ayaa goolka kusoo noqday, halka ay dadabyada gaashaandhigga ay dhufays uga jiraan Hysaj iyo Mario Rui. Khadka dhexe waxba kama cusba, halka Ancelotti uu weerar ahaan ku dagaal gelayo Insigne-Milik, waloow ninka dambe ay dhici karto in lagu bedelo Mertens.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 19 LENO, 6 KOSCIELNY, 4 ELNENY, 7 MKHITARYAN, 10 OZIL, 29 GUENDOUZI, 17 IWOBI
  • 25 OSPINA, 21 CHIRICHES, 2 MALCUIT, 31 GHOULAM, 34 YOUNES, 11 OUNAS, 14 MERTENS

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Bellerin, Welbeck
  • Albiol, Diawara

Hadalsame Media