SAWIRRO: Jaamacadda ayuu ugu yimid kaddibna faas iyo middi ayuu la dhacay (Sababta uu sidaa u yeelay ayaan loo qaadan karin!)

0

(Eldoret) 10 Abriil 2019 – Ms Ivy Wangeci, oo ahayd gabar sanadkii 6-aad dhiganaysay Jaamacadda Moi University College gaar ahaan Kulliyadda Culuunta Caafimaadka, ayaa isla Jaamacaddii ay dhiganaysey loogu diley si aad u foolxun.

Nin lagu sheegay Naftali Kinuthia ayaa gabadha kasoo saaray qaybta lagu tababarto, kahor intii aanu ku qaadin weerar naxdin badan oo ay dad badan oo naxsani daawanayeen.

Mr Kinuthia ayaa la sheegay inuu faas kala soo baxay kiish uu sitey kaasoo uu madaxa Ms Wangeci ku kala baray, taasoo keentay inay dhulka ku dhacdo.

Wuxuu deeto lasii dhacay faaskii, isagoo intaa kaddib middi lasoo baxay oo qoorta uga jaray, iyadoo carada iyo naxariis darrada ka muuqata Mr Kinuthia ay keentay in ay dad badani ka baqaan inay u dhowaadaan.

Ninkan oo intii aanu goobta ka dhaqaaqin hubiyey inay gabadhu dhimatay ayaa waxaa isna weerar ku qaaday qaar ka mid ah dadkii goobta joogey iyo wiilasha boodha boodhooyinka, kuwaas oo si xun u garaacay kahor intaan booliisku goobta soo gaarin.

Ninkii oo si xun u dilan ayaa deeto waxaa la wareegey Booliiska oo goobta soo gaarey waxaana la dhigay isla isbitaalkii ay ka shaqaynaysey gabadha uu diley, iyadoo bukaanno la kulmi lahayd markii uu dilayay in yar kaddib.

Warar iska soo daba dhacaya ayaa sheegaya in ninkan gabadha diley uu galay dembi shucuureed, isagoo xiriir la lahaa gabadha, balse xiriirkooda jacayl ayaa hakaday markii ay u sheegtay inuu amaan siiyo, taasoo uu niyad ahaan aad uga xumaaday.

Ninkan oo kasoo safray dhanka Thika, ayaa faaska iyo midida kasoo iibsadey magaalada Eldoret taasoo muujinaysa inuu weerarka sii qorsheeyay.

Hadalsame Media