”In aad bambooyin badan haysataan dadka ugama horraysaan!” – Maradona oo lagu ganaaxey weerar uu Maraykanka ku qaaday!

0

(Mexico City) 10 Abriil 2019 – Arbaha reer Argentina ee Diego Maradona ayaa waxaa ganaax gorodda u geliyey Xiriirka Kubadda Cagta Mexico kaddib markii la sheegay inuu ku tuntay anshaxa ciyaaraha, isagoo si cad u taageeray MW  Venezuela ee Nicolas Maduro isagoo ku camirtay nidaamka Washington.

Maradona, oo layliya kooxda heerka 2-aad ee Mexico ee Dorados de Sinaloa, ayaa arrintan sameeyay kaddib markii ay kooxdiisu 3-2 uga adkaatay Tampico Madero bishii hore.Mara oo ku faraxsan guusha Los Doritos ayaa qababac siyaasadeed iska galay, isagoo sheegay in uu guushan u hadiyeeynayo MW “Nicolas Maduro iyo dhamaan reer Venezuelan, oo iminka silacsan.”

Halkaa kuma harine wuxuu weerar ku qaaday Maraykanka isagoo leh: “Sheriffs-ka dunida, waayo iyagu (Yankees?). Maadaama ay dunida ugu bambooyin badan yihiin bay moodayaan inay dadka ka horreeyaan. May, sidaa maaha” ayuu yiri guuleedkii KA1986.

Haatan, Xiriirka Mexico ayaa sheegay inuu Maradona ku xadgudbey qosobada 7 iyo 11 ee anshaxa ciyaaraha oo dalbanaya in dhex dhexaad laga noqdo siyaasadda, balse ma aysan sheegin inta uu la egyahay ganaaxa la saaray.

Hadalsame Media