Ilhaan Cumar oo lagu qabsaday sababta ay cunsuri ugu tilmaantay La Taliyaha Donald Trump & jawaab ay ka bixisay

0

(Washington, DC) 10 Abriil 2019 – Ilhaan Cumar oo reer Minnesota ah ayaa ka jawaabtey dhaliil uga timid war ay Twiter kusoo qortay oo ay la taliyaha Trump ee Aqalka Cad ku tilaamayso “cunsuri caddaan raac ah.”

Ilhaan Cumar ayaa soo tweet garaysay in “Stephen Miller uu yahay nin ka mid ah kooxaha xag-jirka ah ee caddaan raaca ah” iyadoo isaga ku eedaysay inuu yahay maskaxda ka dambaysa in MW Donald Trump uu qaato tillaabooyin adag oo soo galootiga ka dhan ah.

“Waad ogtahay waxaan ka hadlaynaa qof aan aaminsanayn in hal qof oo qaxooti ihi xadka kasoo tillaabo,” ayay Cumar u sheegtay CNN iyadoo ula jeedda Miller.

“Waxaa iga maajiyey arrintaas. Maxaa yeelay si ka duwan isaga anigu asalkaygii ma illaawin oo waan aqaan waxa ay ka dhigan tahay in Maraykan la yimaado oo fursadda taal laga faa’iidaysto.” ayay tiri.

Ilhaan ayaa sheegtay in qoysaska Trump iyo Miller ay sidoo kale halkan yimaadeen si ay fursaddaa uga faa’iidaystaan, balse ay dadkii kale u diiddan yihiin fursadda Maraykanka sida ay sheegtay.

Hadalsame Media

Facebook Comments