”Dalka waxaa u soo shaqo doontay DHAKHAATIIR ajaanib ah oo aqoon ahaan liita!” – DF Somalia

0

(Muqdisho) 10 Abriil 2019 – Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Marwo Fowsiyo Nuur oo maanta oo Arbaco ah ka hor hadlayay Xil-dhibaannada Aqalka Sare ayaa sheegtay in dalka ay ku sugan yihiin dhakhaatiir xirfad ahaan aad u liita.

Waxa ay sheegtay Marwo Fowsiyo Nuur  in Sharciga Mihnadlayaasha Caafimaadka wax badan uu ka tari  doono xakameynta Dhakhaatiirta ajaaniibta ah ee  imaanaya dalka kuwaas oo ay xustay in keliya ay u soo shaqo doontaan Soomaaliya.

Wasiir Fowsiyo ayaa carrabka ku dhufatay sidoo kale in dalka si joogto ah loo soo geliyo dawo dhacday si taas looga hortagana loo baahan yahay in la qaado tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo umada Soomaaliyeed.

”Waxaa dalka ku soo  badanaya  xarumo caafimaad  oo ay ka howgalaan dhakhaatiir aan xirfad badan lahayn oo keliya u soo shaqo doontay dalka,” ayay ka hor sheegtay xubnaha Aqalka Sare Wasiirka Caafimaadka.

Hindise Sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka ayaa waxa uu hore uga soo gudbay Golaha Shacabka waxana maanta oo Arbaco ah uu maray akhrinta koowaad ee Aqalka Sare.

Hadalsame Media, Muqdisho