CAANO la cabaa daawo ma u yihiin GAASKA? (Moowduuc caafimaad oo muhim ah)

0

(Hadalsame) 10 Abriil 2019 – Gaasku waa boog ku sameysanta xuubka hoose ee caloosha,tuubada cuntadu ay marto iyo qaybta sare ee mandhicirka.Waxyaalaha keeni kara boogtaas in ay ku sameysmato caloosha waxaa kamid ahaa

HCL-Acid oo ah acid-kii loogu talo galey in cuntada lagu dheefshiido oo caloosha ku bata dabadeed xoqa xuubka hoose ee caloosha ama kusoo butaacda tuubada cuntadu ay soo marto sidaasna ay boog ku noqoto meesha.

Waxaana si aad ah usii damqiya boogtaas marka caloosha lagu soo siidaayo HCL-Acid si cuntada meesha soo gashey loo shiido sidaasna boogtii ay ku gaarto acid-kii adigana aad dareento in nabar aad u kulul uu ku hayo.

Hadaba caanuhu daawo ma u yihiin Gaaska?

Caanaha marka aad cabto Gaaska oo kugu kacsan waxaad dareemaysaa raysasho, balse raysashadaasi ma ahan mid sii socon doonta waa mid ku meel gaar ah, xoogaa yar kaddibna nabarkii mid ka culeys badan ayaa meeshii kasii soconaya.

Sababta aysan caanuhu u noqon karin kuwo ay raysashadooda sii raagto oo ay u noqonayaan kuwa xanuunkii sii saa’idiya xoogaa ka dib waxaa sabab u ah:

Cuntooyinka aynu qaadano ayaa waxaa loo qaybiyaa labo qaybood oo kale ah kuwa ah Aashito (Acid) iyo kuwo kasoo horjeeda acid-ka oo loo yaqaanno Alkaline.

Calooshu waa bay’o ay ku badantahay Aashitadu haddii ay ku yaraantana waxa ay dalbataa in mid dheeraad ah loo soo diro, maadaama uu Acid-kii ku yaraadey. Marka waa inaad ogaataa in caanuhu ay ka mid yihiin Alkaline-nada kasoo horjeeda Acid-ka.

Haddaba, marka nabarku uu ku qabanayo waxaa weeye calooshaada ayaa Acid-kii ku batey oo deeto gubaya boogta gaaska markaas ayaadna xanuunka dareemaysaa.

Kaddib adigoo marxaladaas caloosha uu ku batey acid-ka ku sugan ayaa waxa aad cabtey Caano dabadeed caanaha oo ka koobnaa Alkaline ayaa calooshaada tagey.

Alkaline-kii caanaha ku jirey ayaa isla markiiba la falgaley Acidkii caloosha ku jirey dabadeedna wuu barxayaa oo calooshu waxa ay noqonaysaa markaas bay’o Alkaline ah.

Markaas ayaad dareemaysaa woxoogaa raysasho iyo qabow ah, maadaama aashitadii (Acid) calooshu kaa yaraatey.

Dabadeed maxaa xigi doona?

Yeelkeede, xoogaa yar kaddib marka aad caanaha cabtay oo aad raysatay calooshiina ay noqotey bay’o Alkaline ah, ayaa calooshii waxa ay dirsanaysaa farriin gurmad  ah si loogu soo sii daayo Acid aad u fara badan si calooshii Caanuhu ay ka qabsadeen ee alkaline-ka laga dhigey ay dib ulasoo wareegto oo ay bay’o Acid ah ugu soo celiso.

Waxaana calooshii loo soo dirayaa Aashito badan,
meeshaasna waxaa ka baxaya caanihii alkaline-ka ahaa. Boogtii gaaskana waxaa gaareysa Aashito aad u fara badan dabadeed way sii qodmaysaa boogtu xanuunkuna waa kugu sii dheeraanayaa waqti yar kaddib markaad caanaha cabtey.

Marka waxa aynu caawa si fudud u dhihi karmaa Caanuhu gaaska daawo uma ahane ee waxa ay kugu dirayaan gaaska.

Waxaa filayaa in aad i fahanteen caawa kaddibna aad ogaan doontaan in caanuhu aysan daawo u ahayn gaaska oo ay u yihiin raysasho kooban oo kumeel gaar ah, dabadeed se kaaga sii dari doona waxyar kaddib.

Waxaa Diyaariyay: Dr Maxamed Amiin

Hadalsame Media