Somalia oo markale Ruushka la kulmaysa (Shir noocee ah?)

0

(Moscow) 09 Abriil 2019 – DF Somalia ayaa lagu casuumey shir 16-ka bishan Abriil ka dhacaya dalka Ruushka.

Warar uu helay hilin wareedka Hadalsame Media, ayaa sheegaya in durba ay Safaaradda Somalia ee Moscow ay shaacisay in Wasiir Dibadeedka Somalia, Axmed Ciise Cawad, uu Somalia shirkaa magaceeda uga qayb gelayo.

Sida ayay wararkani tibaaxayaan, isla Safaaradda Somalia ayaa intaa raacisay in shirka noocan ihi uu noqon doono midkii 4-aad oo ay Somalia ka qayb gasho.

Shirkan ayaa la sheegay inuu dhexmari doono dalalka ku jira ururka fadhiidka ah ee Jaamacadda Carabta iyo dal waynaha Ruushka, lama se oga weli ajendaha shirka iyo waxa ay Somalia la gole imanayso.

Midkii ugu dambeeyay ayaa lagu dhigay dalka Imaaraadka Carabta sanadkii 2017-kii.

Somalia ayaan xiriir micne leh la lahayn dalka Ruushka oo dalka Somalia laga eryey 70-meeyadii wax ay dad badani u arkaan sababtii ay u burburtay Somalia oo iska toogatey hal lug oo ay xilligaa ku taagnayd.

Dowladihii kala dambeeyay ee burburka kaddib dalka soo maray ayaan ilaa iminka dabbiqin siyaasad dibadeed mira dhal ama ka gadmi karta dalalka ay la kulmaan.

Hadalsame Media